WaamOnline » Qormada Dr Saadiq Enow

Dagaalkii Ogaadeenya

Dagaalkii Ogaadeenya Casharkii XVIII-aad Waxaa jirey hakadyo mudan in la xuso, kuwaas oo ku lamaanaa abuurkii jabhadda. Hakadyadaas waxay goor danbe sabab u noqdeen umuuro siyaasadeed oo aanan la mahadin. Midda ugu weyn waxay ahayd, beelaha ku dhaqan degaamada loo hayaamayey oo ahaa beelo ay ka taliyaan odeyaal-dhaqameed aanan wax xiriir ah la lahayn siyaasaddii lagu midabeeyey jabhadda. Maamulkii Kacaanka waa ay u muuqatey in eeyan sahlaneyn in golahan uu si fudud u helo kalsoonida odeyaashaas iyo dad-weynaha degaanka. Sidaa darteed, taliskii Kacaanka iyo xubnihii fariistey waxay is tusiyeen in fikradda lagu dagaal gelayo ay ahaato mid diineed, dagaalkana loo yeelo weji ah gaalo iyo islaan diriraya. Siyaasadda dalka lagu hagayay xilligaas, waxay ahayd Hantiwadaaga Cilmiga. Wuxuu  si xoogan uga soo hor jeedaa diinta iyo dadkeeda. Go’aankan, dowladdu waxay … Read entire article »

Filed under: Qormada Dr Saadiq Enow

HALGANKII YAASIIN CISMAAN EE FARTII CISMAANIYADA

 WQ: Dr saadiq Eenoow Sanadkii 1920-kii ayuu Cismaan Yuusuf Keenadiid ku guuleystey in uu allifo xuruuf  loo  adeegsado qoraalka  af-soomaaliga.Xuruuftaasi  waa  midda  keliya  ee taariikhda lagu hayo oo nin Soomaali ah uu  leeyahay. Hortiis waxaa af-soomaaliga qori jirey, dadkana  bari  jirey  Shiikh Yuusuf Al-kowneyn, Xaaji Cali Majeerteen iyo Shiikh  Awees. Saddexdaas  ninba  wexey  qoraalkooda  u  adeegsanayeen xuruufta carabiga. Waxaa in laxuso mudan xilliga uu Cismaan Yuusuf  fartaas qorayey oo ahaa xilli aanan u sahlaneyn nin dhallinyaro ah oo soomaali ah in uu fikradda noocaas ah intuu  helo.  Haddii  uu  fikraddii  heleyna, in  dadaal intaas le´eg uu ku bixiyo si uu dadkiisa ugu helo xuruuf ey afkooda ku qortaan. Fartaasi   waa  xuruufta  loo  yaqaan  Cismaaniya,  waxaana   loogu   magac  darey magaciisa ah Cismaan. Fartaasi wexey tahay mid ku haboon codka luqadda soomaaliga (phenologicaly). Isticmaalkeeduna … Read entire article »

Filed under: Qormada Dr Saadiq Enow

Onkod, Hillaac iyo Biriq

 Dr sadiq: Aadamigu, taariikh hore ayuu bilaabay in uu xiiseeyo muuqaalada qurxoon oo ay dabiicaddu soo bandhigto, gaar ahaan kuwooda qallafsan ee layaabka leh.   Onkodka, Hillaaca iyo Biriqda oo kamid ah muuqaaladaas ayaa waxay yihiin fal-gallo dusheena ka dhaca ee inoo tebinaya cashar soo noq-noqasho badan ee muddo uu aadamigu ku wareersanaa macnahooda. Ilbaxnimooyinkii hore, gaar ahaan kuwooda uu ku badnaa ictiqaadka khuraafiga ah ayaa waxay dadaal u galeen in ay ogaadaan sirta ku dheehan muuqaaladaan. Dadkaasi waxay reebeen raadad tilmaamaya sida ay dadkoodii isugu taxalujiyeen in ay wax ka sheegaan dhacdooyinkaas cajiibka ah ee dusheena ka muuqda. Dhawaaqa culus ee argagaxa leh ee uu Onkodku leeyahay, waa arin ku mataanan  danabyada Hillaaca ee kaaha xoogan uu weheliyo ee sida kediska ah u muuqanaya  kuna libdhaysa. Biriqda oo ah mataanka saddexaad … Read entire article »

Filed under: Qormada Dr Saadiq Enow

Macallinkii I-aad

Dr sadiq:   Tukuhu (The Crow) waa xayawaankaas madow oo kamid ah haadda buubta ee marka uu dhawaaqo aanu maqalno codkiisa qallafsan. Nolosha aadamiga oo bilow ah ayaa Eebe inoo adeejiyay Tukaha si uu u buuxiyo kaalin macallinimo tii ugu horeysay. Markaasi waxay ahayd markii ay ilmo Aadam is laayeen oo Qaabiil uu gardarro ku dilay walaalkiis Haabiil. Nolosha oo cusbeyd iyo khibrad yaraan awgeed ayuu wiilka wax dilay u haleeli waayay qaab uu ku asturo meydka walaalkiis. Naxariista Eebe iyo fadligiisa ayaa ahaatay in loo adeejiyo macallin ka khibrad roon ee bara cashar kamid ah kuwii ugu milgaha cuslaa oo aadamigu uu helay xilligaas qallafsan. Aayadda 31-aad, suuradda Al-Maa'ida ayuu Eebe, si kooban, inoogu soo tebinayaa casharrada ay xambaarsan tahay sheekadaas taariikhiga ah ee qiimaha inoogu fadhiya. Aayaddu waxay tiri hadal … Read entire article »

Filed under: Qormada Dr Saadiq Enow

Dhaqaalaha Aduunka : Saadiq Enow

Qore : Dr Saaadiq Enow.  " Deyrtii 2000, howl-gab ayaa ku yimid shirkadda Greenspans IT. Taasi waxay ahayd mid ka dhalatey macaamilkii dhaqaale ee kharibnaa ee jiray sanadihii 90-aadka. Dhacdadaasi waxay sababtey laba arimood. Marxalad ah in uu si kedis ah u hakado xowligii uu ku socdey maamulkii G.W. Bush muddadii u dhexeysey 2001-2005. Iyo guud ahaan fadhiid ku yimaada guud ahaan hannaankii macaamil-cumladeedka dhaqaale ee dunida. Fadhiidkaasi maahan mid ay suuragal tahay in uu dhaco am la sugayo in uu dhowaan dhaco. Balse waa hore ayuu dhacay oo waanu ku guda jirnaa " (Earth's Next Fifty Years. By. Lyndon H. Larouche. 2005. p. VII).  Hadalkaas waxaa qorey dhaqaalyahan Mareekan ah oo magaciisa la yiraahdo Lyndon H. Larouche. Ninkaasi wuxuu goor hore ka digey dhibaatada dhaqaale ee dunida maanta heysata. Isagu 25 … Read entire article »

Filed under: Qormada Dr Saadiq Enow

GOORTII DHULKAYAGII LA QAYBSADAY

Casharkii XXI-aad(Dr Sadiq Enow) Marka ay xoogagga gumaystayaasha ah inooga imanayee dhulka xeebaha ah, dadkayagii Soomaaliyeed ee ku noolaa gudaha, badankood waxay ahaayeen reer-guuraa xoolo-dhaqato ah. Halgankii ay kula tacaalayeen xaaladihii qallafsanaa ee noloshooda iyo colaadihii badnaa ee dhexdooda yiil ka sokow, waxaa jira weji qurux badan oo buuxinaya dadnimadii iyo garaadkii korranaa oo ay dadkayagu lahaayeen. Wejigaasi waa dhaqamadii ay haysteen iyo caadooyinkii uu gumaystaha ugu yimid, kuwaas oo ay kaga tallaabi jireen caqabadaha la soo dersa. Dhaqamadaas oo la oran karo waa kuwo salka ku haya caqiidada ay aamin-sanaayeen ee Islaamka ah, ayaa waxaa amaanay raggii u adeegayay gumaystayaasha ee Soomaalida wax ka qoray. Haddaba intaynaan u gudbin bilowgii hooshka ku dhacay dadkeenii, waxaanu yara milicsaneynaa muuqaallo kamid ah dhaqamadii wanaagsanaa ee aanu ka soo gaarnay facihii uu gumaysiga … Read entire article »

Filed under: Qormada Dr Saadiq Enow

DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA

WQ: Dr saadiq Eenoow Dhacdooyinka qallafsan ee ka imanaya Geeska Afrika, waa kuwo caadad ka baxsan. Goor 16 sano laga joogo ayaa dowladdii Soomaaliyeed waxaa ku yimid bur-bur. Soomaalidu dhamaantood waa ay ka wada qeyb-qaateen bur-burka nadaamkii u dhisnaa. Islamarkaa ma jirin nadaam ay horey u diyaarsdaeen, kaas oo ay ugu talagaleen in uu beddel u noqodo. Waxay noqdeen sidii nin dumiyay aqalkii uu ku noolaa, iyada oo uusan dibadda u saarin xaaskii iyo caruurtii. Waxaa halkaa ka dhashey natiijooyin aanan la mahadin. Marka laga reebo dadka u heelanaa howlaha lagu bur-buriyay Soomaaliya, qof kasta oo kale waa uu la fajacayaa waxa ka dhacaya Geeska Afrika. Sikastaba ha loo fasirtee, meesha ay riwaayaddu ka dheceyso waa dhul Soomaali. Kharashka ku baxayana waa dhiig Soomaali. Mashaqada la soo deristey bulshada Soomaaliyeed ee maanta xalkeedii … Read entire article »

Filed under: Qormada Dr Saadiq Enow