WaamOnline » Uncategorized

Waxgaradka Galgala oo ka codsaday Puntland in aan la dhibaatayn dadka deegaanka

Waxgaradka Galgala oo ka codsaday Puntland in aan la dhibaatayn dadka deegaanka

 Boosaaso:10 aug 2010(WMO) Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Buurta Galgala ee gobolka Bari oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Maamulka Puntland ayaa ka codsaday Maamul goboleedka Puntland in dagaaladii ka dhacay halkaasi aysan u dhibaateyn dadka deegaanka. Axmed Saalax Ceynab oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Galgala ee Maamulka Puntland oo waraysi gaar ah siinayay warbaahinta ayaa  sheegay in ay la wareegeen ciidamada Puntland goobahiii ay horey ugu sugnaayeen Ciidamadii  Max’ed Saciid Atam, waxa uuna … Read entire article »

Filed under: Uncategorized, Wararka

Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka soconaya galgala ee Bari

Muqdisho:9aug 2010 qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda Mamulka Puntland,  ayaa ku baaqay in si dag dag ah loo joojiyo dagaaladii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay qaybo ka mid ah gobalka Bari. Kadib markii shalay dagaalo gaystay qasaaro dhimasho iyo dhawac leh uu ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamo taabacsan Max’ed Saciid Atam, deegaano ku dhow dhow buurta Galgala ee duleedka Magaalada Boosaaso gobalka Bari ayaa dagaaladaaasi waxaa canbaareeyay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka KMG ee kasoo jeeda deegaana Puntland. Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse Ciiro, oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka KMG Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Puntland oo u waramayay idaacadaha ayaa sheegay in dagaaladaasi ka taagan degaanada Puntland ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka haysta Shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu tibaaxay … Read entire article »

Filed under: Uncategorized

Dad horey dil u geystay oo lagu qabtay Gaalkacyo iyo Shil ka dhacay Bacadweyn

Gaalkacyo: 7aug 2010  Taliska ciidama Puntland ayaa maanta sheegay in ay gacan ku dhigeen rag ay sheegeen in falal dil ah ay horay uga gaysteen gudaha magaaladaasi Gaalkacyo iyadoo dhinaca kalana shil gaarai uu ka dhacay Bacadweyn. Kadib howlgalo xoogan ay sameeyeen ciidamada Boliiska ee Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Maamul gobaleedka Puntland ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay gacan ku soo dhigaan, 2-qof oo maalintii shalay  labo nin ku dishay Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Taliya qaybta booliska ee gobalka Mudug Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi) ayaa sheegay in ay ciidamada amaanka ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan, 2-qafood oo la sheegay in ay iminka ku jiraan Xabsiga waqooyi ee magaalada Gaalkacyo gobalka Mudug, islamarkaana maalamaha soo socda ay maxkamad soo hor istaajin doonaan sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale … Read entire article »

Filed under: Uncategorized

Odayaal ku howlanaa waan waan nabadeed oo lagu rasaaseeyay Buuhoodle.

Odayaal ku howlanaa waan waan nabadeed oo lagu rasaaseeyay Buuhoodle.

Buuhoodle: 7 Aug 2010(WMO)   Kooxo hubaysan oo la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin Jabhadda SSC, ayaa deeganao ka tirsan degmada Buuhoodle waxaa ay ku rasaaseeyeen odayaan ku howlanaa nabadeynta beelo dhawaan ku dagaalamay halkaasi. Wararka laga helayo degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in shalay ciidamo hubaysan oo la aaminsanyahay inay ka tirsanaayeen Jabhadda SSC waxaa ay rasaas ku dhaawaceen sedax qof oo ka tirsanaa odayaal dhaqameed maalmihii la soo dhaafay waan waan nabadeed ka dhexwaday beelo ku dagaalamay deegaano … Read entire article »

Filed under: Uncategorized, Wararka

Midowga Yurub oo sheegay in Ciidanka Spain ay sii daayeen Burcad Badeed.Somalli ah

Midowga Yurub oo sheegay in Ciidanka Spain ay sii daayeen Burcad Badeed.Somalli ah

 Boosaaso:6 aug 2010  Ciidamada Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamada badda ee dalka Spain ay sii daayeen ku dhawaad 10 ruux oo burcad badeed Soomaali ah kuwaasi oo dhawaan lagu qabtay gacanka cadmeed. War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ka wada Xeebaha Soomaaliya iyo meelaha kale ee ku dhow dhow ayaa lagu sheegay in Ciidamada badda ee Dalka Spian ay sii daayeen burcad badeed … Read entire article »

Filed under: Uncategorized, Wararka, featured

Saraakiil ka tirsan Jabhadda ONLF oo laga sii daayey Xabsiga ku yaal magaalada Jigjiga

Jigjiga:20-07-2010 Saraakil ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa lagu soo waramaaya in laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya kuwaas oo maamulka Puntland uu gacanta u gashay Itoobiya laba sano ka hor.     Labadan Sarkaal aya waxay ka tirsanaayeen golaha dhexe ee ONLF oo lagu kala magacaabo Cabdinuur Sooyaan iyo Dhiire Kaafi sii deyntooda ayaa waxaa ka danbeeyay kadib markii uu dadaal dheer uu bixiyey gudoomiyaha Ururka UWSLF Sh Ibraahim Dheere. Saraakiisha la sii dayey xalay ayaa waxay la hadleen saxaafada maxaliga iyaga oo sheegay in ay sii wadayaan halgankii ay wadeen laakiin uu noqon doono mid nabadeed. sida ay warbaahinta ay u sheegeen Waamonline Muqdisho Permanent link to this post (112 words, estimated 27 secs reading time) … Read entire article »

Filed under: Uncategorized

Sheekh sariif oo dowladaha carabta ka codsaday 10 milyan oo dollar

Sheekh sariif oo dowladaha carabta ka codsaday 10 milyan oo dollar

Cairo 19 Jul 2010  Madaxweynaha DFKMG sheikh shariif sheikh axmad ayaa dowladaha carabta ka codsaday in ay dowladdiisa ku taageeraan lacag dhan 10 milyan oo dollar oo uu sheegay in ay tahay miisaaniyadda dowladda ee hal bil. Hadalkaas wuxuu sheikh shariif ka jeediyay kulan uu shalay axaddii la qaatay xoghayaha guud ee jaamacadda carabta camr musa oo ka dhacay xarunta jaamacadda carabta ee qaahira waddanka masar, iyado ay goob joog ahaayeen masuuliinta iyo ergooyinka joogtada ah … Read entire article »

Filed under: Uncategorized