Mu´tamarkii 19aad Ee Xagaaga Scandinevianka oo ka dhici doono Gothenburg 30 jun ilaa 3 jul2011
Stockholm:9jun2011 Ogaysiis dhamaan walaada sommaaliyeed oo ku nool Scandinevianka waxaa la ogaysiinayaa in wakhtigii Mu!tamarka xagaaga sanadkii 19aad oo lagu qaban doono wadanka sweden gaar ahaan Gothenburg oo ku beegan 30jun2011 ilaa 3 jul hamaagan hana kamaqnaan khayrkaas, waxii faah faaahin oo intaa dheer waxaa kala xiriirtaa Stockholm kalaxiriir Ismaciil Saciid 0737877136 Mukhtar Carab 0736768051 Örebro kalaxiriir Shekh cabdulqadir Salad 0762117695 Permanent link to this post (62 words, 1 image, estimated 15 secs reading time) … Read entire article »
Shil gaari oo ay ku dhaawacxmeen ku dhawaad 20 qof oo ka dhacay Kismaayo
Kismaayo:14 aug 2010(WMO) Shil gaari oo sababay dhaawaca ku dhawaad 20 ruux ayaa maanta waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka j/hoose iyadoo shilkaasina uu ka hadlay Maamulka Al Shabaab ee Kismaayo. Shilkaani gaari oo gaystay qasaaraha badan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo PL-ah kaasi oo ka dahcay gudaha magaalad Kismaayo ee Xarunta gobalka J/Hoose. Inta la’ogyahay 18 ruux ayaa ku dhaawacantay oo lix ka mid ay … Read entire article »
Filed under: Wararka
Dowladda KMG oo Al.Shabaab ku eedeysay inay hortaagantahay gargaarka Shacabka.
Muqdisho:12 aug 2010(WMO) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku eedeysay xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda gaar ahaan Al Shabaab inay dhibaateeyaan hay’adaha samafalka ee gar gaarka gaarsiinaya qoysaska barakacayaasha ah ee isaga cararay dagaalada Muqdisho. Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka gaadiidka iyo dekadaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur madoobe oo maanta saxaafada kula Hadley qeybo ka mid ah gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku eedeeyay dhinacyada ka soo horjeeda dowladda in dhibaatooyin … Read entire article »
Filed under: Wararka
Wasaarada Amniga Qaranka oo sheegtay in xalka Soomaaliya uusan aheeyn dagaal.
Muqdisho:12 aug 2010(WMO) Wasaarada amniga Qaranka Xukumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in aan xal lagu gaari Karin dagaalo horleh oo haatan lala galo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya. Wasiirka amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Axmed C/salaam Xaaji aadan oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in dagaalo xoogag dowladda ka soo horjeeda aan lagu heli Karin xal iyo soo celintii amniga ay laheyd Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in wax waliba lagu … Read entire article »
Filed under: Wararka
Taliyihii qeybta Booliska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug oo is Casilay.
Gaalkacyo:11 aug 2010 (WMO) Waxaa xilkiisii isaga tagay oo iska casiley Taliyihii qeybta Booliska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug Muuse C/raxmaan Muuse Xasaasi kadib markii sida uu sheegay uu nidaam xumuö ka dareemay Maamulka gobolka Mudug. Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) oo la soo xariiray Warbaahinta uuna sheegay isagoo tilmaamay in uu ku suganyahay meel ka baxsan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu isaga tagay xilkii uu u hayay maamulka Puntland oo ahaa taliyaha ciidanka Booliska ee … Read entire article »
Filed under: Wararka
Maxkamada Maraykanka oo siidayasy Haweenkii lagu eedeeyay Xiriir la leeyihiin ururka Al Shabab
Minnesota:10 aug 2010(WMO) Jaaliyada ku dhaqan dalka Maraykana ayaa sheegtay in la sii daayay Haween Soomaali ah oo dowladda Maraykanka ku haysatay in xiriir ay lala haayeen Xarakada Mujaahidiint Al Shabaab, iyagoo faah faahina ka bixiyay dacwada loo gudbiyay hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiin Al Shabaab. Cabdulaahi Cali Mocow oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan Dalka Maraykanka oo u warmayay warbaahinta ayaa sheegay in Haween dhawaan FBI-da Maraykanka ay gacanta ku dhigeen oo lagu eedeeyay in ay dhaqaalo siin jireen Xarkada Mujaahdiinta Al Shabaab islamarkaana loo gudbiyay maxkamad ku taala wadanka Maraykanka si damiin ah lagu sii daayay, waxaa uu tilmaamay in maxkamada, ay ku wargalisay haweenkaasi in aysan dhaafikarin gobalka ay wadankaasi kaga noolyihiin ee Minnesota, bishiina halmar ay yimaadan Maxkamadda. Dhinaca kale Cabdulaahi Cali Mocow, waxaa uu … Read entire article »
Filed under: Wararka
Waxgaradka Galgala oo ka codsaday Puntland in aan la dhibaatayn dadka deegaanka
Boosaaso:10 aug 2010(WMO) Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Buurta Galgala ee gobolka Bari oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Maamulka Puntland ayaa ka codsaday Maamul goboleedka Puntland in dagaaladii ka dhacay halkaasi aysan u dhibaateyn dadka deegaanka. Axmed Saalax Ceynab oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Galgala ee Maamulka Puntland oo waraysi gaar ah siinayay warbaahinta ayaa sheegay in ay la wareegeen ciidamada Puntland goobahiii ay horey ugu sugnaayeen Ciidamadii Max’ed Saciid Atam, waxa uuna … Read entire article »
Filed under: Uncategorized, Wararka
Xarakada Al Shabaab. oo sedax Hey’adood ka mamnuudey koonfurta Soomaaliya.
Muqdisho:9 aug 2010(WMO) Xarakada Mujaahidiin Al Shabaab ayaa sedax hay’adood waxaa ay ka mamnuceen ka howlgalida gudaha dalka Soomaaliya kadib markii ay ku eedeeyeen inay dadka Soomaaliyeed ku faafinayeen diinta Masiixiga. Bayaan uu soo saaray shalay oo taariiqdu ay aheeyd (08-08-2010) Xafiiska La socodka arimaha Hay’adaha Ajaanibta ee Xarakada Mujaahidiin Al Shabaab oo magaciisa loo soo gaabiyo OSAFA, ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha dalka Soomaaliya laga mamnuucey in ay ka howlgalaan sedax hay’adood oo lagu … Read entire article »
Filed under: Wararka
Gaalkacyo oo lagu qab qabtay dad lagu eedayay in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab
Gaalkacyo:9aug 2010(WMO) taliska ciidamada Maamul gobaleedka Puntland ee magalada Gaalkacyo, ayaa ka warbixiyay howlgalo dad lagu soo qab qabtay ay Ciidamada ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Gaalkacyo. Howlgalkaan ay ciidamada Maamulka gobaleedka Puntland ee magalada Gaalkacyo ay ka sameyeen Xaafadaha Garsoor, Israac, iyo Faluuja, oo ah Woqooyiga magaalad Gaalkacyo, waxaa ay ku sheegeen in ay ku soo qab qabteen dad badan kuwaas oo qaarkood ay sheegeen in xiriir ay la leeyihiin wadaadka lagu magacaabo Maxa’ed Saciid Atam, islmarkaan doonaye, in ay garaan Buurta Galgala oo ku sugan yihiin ciidamo uu hogaaminayo Atam. Taliyaha qaybta Booliska ee Gobalka Muduga ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dadka falalka amaandari ka gaysanaya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, isagoo ku sheegay in ay ka yimaadaan magaalada Baydhaba iyo kuwa Jubooyinka uu sheegay in ay … Read entire article »
Filed under: Wararka


