WaamOnline » Uncategorized, Wararka, featured » Midowga Yurub oo sheegay in Ciidanka Spain ay sii daayeen Burcad Badeed.Somalli ah

Midowga Yurub oo sheegay in Ciidanka Spain ay sii daayeen Burcad Badeed.Somalli ah

 Boosaaso:6 aug 2010 

Ciidamada Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamada badda ee dalka Spain ay sii daayeen ku dhawaad 10 ruux oo burcad badeed Soomaali ah kuwaasi oo dhawaan lagu qabtay gacanka cadmeed.

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ka wada Xeebaha Soomaaliya iyo meelaha kale ee ku dhow dhow ayaa lagu sheegay in Ciidamada badda ee Dalka Spian ay sii daayeen burcad badeed dhawaan ay gacanta ku dhigeen.

Kooxdaani burcad badeeda Soomaalida ee la sii daayay ayaa waxa ay weerar ku qaadeen xiligii la qabanayay markab shidaal oo laga leeyahay dalka Norwey, waxaana ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 nin iyadoo weerarkii ay markabkaasi la doonayeen ay fashiliyeen Ciidamada badda Spain kadibna ay gacanta ku dhigeen.

Waxaa kooxdaani burcad badeeda Soomaalida ah mudo lagu hayay markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Wadanka Spain kaasi oo lagu magabaacayay Sps Victoria islamarkaana ahaa markabkii bad baadiyay Markabka ay doonayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida inay afduubtaan xili uu marayay biyaha Gacanka cadmeed.

Lama shaacin halka Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee la sii daayay ay haatan ku suganyihiin hase ahaatee sii deynta burcadaani ayaa imaaneysa xili wali midowga Yurub ay la’yihiin wadan lagu maxkamadeeyo kooxaha burcad badeeda Soomaalida marka laga reebo Jasiirada Sishalis iyo Kenya.

Dhawaan ayaa Magaalada Madrid ee Caasimada dalka Spain waxaa maxkamada lagu soo taagay kooxo burcad badeed Soomaali ah kuwaasi oo lagu xakumay min 10 sano oo xarig ah.
Waamo Online
Boosaaso

Filed under: Uncategorized, Wararka, featured

4 Responses to "Midowga Yurub oo sheegay in Ciidanka Spain ay sii daayeen Burcad Badeed.Somalli ah"

  1. Pterker says:

    really good article…

    I have spent a bit of time going through your posts, more than I should have but I must say, http://dennise.sunteu.ro/2011/07/19/there-is-absolutely-so-abounding-to-adapt-in-any-wedding/, many Thanks….

  2. Hehmer says:

    Great One…

    I must say, its worth it! My link, http://christy.chefcuisto.com/,thanks haha…

  3. Gander says:

    quality post…

    boots like ugg love, http://www.melisinema.com ,thanks ugg…

Leave a Reply