WaamOnline » Archive

Wasaarada Amniga Qaranka oo sheegtay in xalka Soomaaliya uusan aheeyn dagaal.

Wasaarada Amniga Qaranka oo sheegtay in xalka Soomaaliya uusan aheeyn dagaal.

  Muqdisho:12 aug 2010(WMO) Wasaarada amniga Qaranka Xukumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in aan xal lagu gaari Karin dagaalo horleh oo haatan lala galo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya. Wasiirka amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Axmed C/salaam Xaaji aadan oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in dagaalo xoogag dowladda ka soo horjeeda aan lagu heli Karin xal iyo soo celintii amniga ay laheyd Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in wax waliba lagu … Read entire article »

Filed under: Wararka

Taliyihii qeybta Booliska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug oo is Casilay.

Taliyihii qeybta Booliska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug oo is Casilay.

  Gaalkacyo:11 aug 2010 (WMO) Waxaa xilkiisii isaga tagay oo iska  casiley Taliyihii qeybta Booliska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug Muuse C/raxmaan Muuse Xasaasi kadib markii sida uu sheegay uu nidaam xumuö ka dareemay Maamulka gobolka Mudug. Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) oo la soo xariiray Warbaahinta  uuna sheegay isagoo tilmaamay in uu ku suganyahay meel ka baxsan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu isaga tagay xilkii uu u hayay maamulka Puntland oo ahaa taliyaha ciidanka Booliska ee … Read entire article »

Filed under: Wararka

Maxkamada Maraykanka oo siidayasy Haweenkii lagu eedeeyay Xiriir la leeyihiin ururka Al Shabab

Minnesota:10 aug 2010(WMO) Jaaliyada ku dhaqan dalka Maraykana ayaa sheegtay in la sii daayay Haween Soomaali ah oo dowladda Maraykanka ku haysatay in xiriir ay lala haayeen Xarakada Mujaahidiint Al Shabaab, iyagoo faah faahina ka bixiyay dacwada loo gudbiyay hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiin Al Shabaab. Cabdulaahi Cali Mocow oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan Dalka Maraykanka oo u warmayay warbaahinta  ayaa sheegay in Haween dhawaan FBI-da Maraykanka ay gacanta ku dhigeen oo lagu eedeeyay in ay dhaqaalo siin jireen Xarkada Mujaahdiinta Al Shabaab  islamarkaana loo gudbiyay maxkamad ku taala wadanka Maraykanka si damiin ah lagu sii daayay, waxaa uu tilmaamay in  maxkamada, ay ku wargalisay haweenkaasi in aysan dhaafikarin gobalka ay wadankaasi kaga noolyihiin ee Minnesota, bishiina halmar ay yimaadan Maxkamadda. Dhinaca kale Cabdulaahi Cali Mocow, waxaa uu … Read entire article »

Filed under: Wararka

Waxgaradka Galgala oo ka codsaday Puntland in aan la dhibaatayn dadka deegaanka

Waxgaradka Galgala oo ka codsaday Puntland in aan la dhibaatayn dadka deegaanka

 Boosaaso:10 aug 2010(WMO) Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Buurta Galgala ee gobolka Bari oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Maamulka Puntland ayaa ka codsaday Maamul goboleedka Puntland in dagaaladii ka dhacay halkaasi aysan u dhibaateyn dadka deegaanka. Axmed Saalax Ceynab oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Galgala ee Maamulka Puntland oo waraysi gaar ah siinayay warbaahinta ayaa  sheegay in ay la wareegeen ciidamada Puntland goobahiii ay horey ugu sugnaayeen Ciidamadii  Max’ed Saciid Atam, waxa uuna … Read entire article »

Filed under: Uncategorized, Wararka

Xarakada Al Shabaab. oo sedax Hey’adood ka mamnuudey koonfurta Soomaaliya.

Xarakada Al Shabaab. oo sedax Hey’adood ka mamnuudey koonfurta Soomaaliya.

 Muqdisho:9 aug 2010(WMO)   Xarakada Mujaahidiin Al Shabaab ayaa sedax hay’adood waxaa ay ka mamnuceen ka howlgalida gudaha dalka Soomaaliya kadib markii ay ku eedeeyeen inay dadka Soomaaliyeed ku faafinayeen diinta Masiixiga. Bayaan uu soo saaray shalay oo taariiqdu ay aheeyd (08-08-2010) Xafiiska La socodka arimaha Hay’adaha Ajaanibta ee Xarakada Mujaahidiin Al Shabaab oo magaciisa loo soo gaabiyo OSAFA, ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha dalka Soomaaliya laga mamnuucey in ay ka howlgalaan sedax hay’adood oo lagu … Read entire article »

Filed under: Wararka

Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka soconaya galgala ee Bari

Muqdisho:9aug 2010 qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda Mamulka Puntland,  ayaa ku baaqay in si dag dag ah loo joojiyo dagaaladii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay qaybo ka mid ah gobalka Bari. Kadib markii shalay dagaalo gaystay qasaaro dhimasho iyo dhawac leh uu ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamo taabacsan Max’ed Saciid Atam, deegaano ku dhow dhow buurta Galgala ee duleedka Magaalada Boosaaso gobalka Bari ayaa dagaaladaaasi waxaa canbaareeyay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka KMG ee kasoo jeeda deegaana Puntland. Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse Ciiro, oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka KMG Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Puntland oo u waramayay idaacadaha ayaa sheegay in dagaaladaasi ka taagan degaanada Puntland ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka haysta Shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu tibaaxay … Read entire article »

Filed under: Uncategorized

Gaalkacyo oo lagu qab qabtay dad lagu eedayay in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab

Gaalkacyo:9aug 2010(WMO) taliska ciidamada Maamul gobaleedka Puntland ee magalada Gaalkacyo, ayaa ka warbixiyay howlgalo dad lagu soo qab qabtay ay Ciidamada ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Gaalkacyo. Howlgalkaan ay ciidamada Maamulka gobaleedka Puntland ee magalada Gaalkacyo  ay ka sameyeen Xaafadaha Garsoor, Israac, iyo Faluuja, oo ah Woqooyiga magaalad Gaalkacyo, waxaa ay ku sheegeen in ay ku soo qab qabteen dad badan kuwaas oo qaarkood ay sheegeen in xiriir ay la leeyihiin wadaadka lagu magacaabo Maxa’ed Saciid Atam, islmarkaan doonaye, in ay garaan Buurta Galgala oo ku sugan yihiin ciidamo uu hogaaminayo Atam. Taliyaha qaybta Booliska ee Gobalka Muduga ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dadka falalka amaandari ka gaysanaya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, isagoo ku sheegay in ay ka yimaadaan magaalada Baydhaba iyo kuwa Jubooyinka uu sheegay in ay … Read entire article »

Filed under: Wararka

Warakii ugu danbeeyay dagaalka ka socday galgala iyo Puntland oo sheegatay guulo ineey ka gaartay

Warakii ugu danbeeyay dagaalka ka socday galgala iyo Puntland oo sheegatay guulo ineey ka gaartay

Boosaaso:8 aug 2010 (WMO)   Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaalo geystay qasaare isugu jira dhimasho dhaawac kuwaasi oo maanta ka dhacay Tuulada Galgala ee gobolka Bari iyadoo maamulka Puntland uu guulo ka sheegtay dagaaladaasi. Dagaaladaan oo bilaawday waabarigii horay ee saaka  ayaa waxaa ay ka qarxeen nawaaxiga togga loo yaqaan Sugurre oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku sugnaayeen ciidamo daacad u ah Maxamed Saciid Atam, kawaasi oo dagaal kula jira ciidamad Puntland. Dagaalka ayaa … Read entire article »

Filed under: Faalooyin, Wararka

Dagaalo u dhaxeeyay Puntland iyo Ciidamada Atam oo ka bilowday buurta Galgala.

Dagaalo u dhaxeeyay Puntland iyo Ciidamada Atam oo ka bilowday buurta Galgala.

Boosaaso: 8aug 2010(WMO)    Waxaa saakay buurta Tuulada Galgala ee gobolka Bari dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo kuwa uu hogaaminayo Max’ed Saciid Atam  iyadoo dagaalku uu ilaa iyo hadda socdo. Wararka laga helayo Tuulada Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu dib uga qarxay Dagaal culus kadib markii Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo halkaasi ay ku lahaayeen dagaalanyahanada uu hogaamiyo wadaadka lagu … Read entire article »

Filed under: Wararka

magalada Garoowe oo laga mamnuucay qaadashada hubka sharci darada ah ee lagu dhexsito.

magalada  Garoowe  oo laga mamnuucay  qaadashada hubka sharci darada ah ee lagu dhexsito.

Garoowe:7aug 2010(WMO)      Maamulka Gobolka Nugaal ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe ay ka mamnuuceen qaadashada hubka marka laga reebo mid lagu sugayo amaanka Magaaladaasi. Kadib amar uu soo saaray maamulka gobolka Nugaal ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Magaalada Garoowe looga mamnuucey qaadashada hubka aan sharciyeesneyn,  ee lagu dhex qaato gudaha Magaaladaasi, waxaana maamulku uu sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan cidii arinkaasi ay ku helaan. Cabdi Xirsi Cali … Read entire article »

Filed under: Wararka